Dagaal culus ayaa goordhow dib uga qarxay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose kaas oo u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyo kuwa Xizbul Islaam.
Dagaalka ayaa hadda ka socda deegaanka Janaay Cabdalla oo duleedka uga beegan magaalada Kismaayo, waxaana dagaalka ku soo biiray ciidamo gurmad ah.
Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnayt goobaha dagaalka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku soo biireen ciidamo gurmad ah oo ka yimid xadka Kenya gaar ahaan dhinaca degmada Dhooblay.
Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana magaalada Kismaayo ka baxay ciidamo gurmad u ah xoogagga Al-shabaab.
Lama saadaalin karo natiijada ka soo bixi doonta dagaalka, waxaana dagaalkaan uu imaanaya xilli shalay gelinkii dambe illaa xalay ay dagaallo kadhacayeen duleedka magaalada Kismaayo.
La Soo Xiriir
Admin@xogsheeg.com
xogsheeg@hotmail.com
Muqdisho Office
HorseedkaWarbaahinta
Xogsheeg@gmail.com
Latest News In Somalia you can get www.xogsheeg.com
Warbaahinta
Xogsheeg
Miiska Wararka - Muqdisho
xogsheeg@hotmail.com
WARBAA UGU BAAHI BADAN!!!